Madaxwaynayaasha Dalalka Somaliya Iyo Jabuuti Oo Ka Qayb Galaya Shirwayne Lagu Heshiisiinayo Qoomiyadaha Somalida Iyo Oromada Ee Dalka Itoobiya

0
611

Madaxwaynayaasha Dalalka Somaliya Iyo Jabuuti Oo Ka Qayb Galaya Shirwayne Lagu Heshiisiinayo Qoomiyadaha Somalida Iyo Oromada Ee Dalka Itoobiya

Madaxweynayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan shir dib u heshiisiin ah oo ay dowladda Federaalka ah ee Itoobiya u qabaneyso Oromada iyo Soomaalida.

Shirweynahan waxaa wadajir u dhigaya dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Dowlad Degaanka Oromada,waxaana ka qeybgelaya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Shirkan oo uu qorshuhu ahaa in mar hore la qabto ayey dowladda Federaalka ah ee Itoobiya dib u dhigtay kaddib markii uu diiday madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar kaas oo hadda u xidhan dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Daahir Mudiir oo ah Wariye Oromo ah islamarkaana deggan Dalka Canada ayaa xaqiijiyay in shirka u dhaxeeya Labda dowlad degaan ee Soomaalida iyo Oromada iyo dowladda Federaalka ah ee Itoobiya uu dhawaan dhacayo.

Waxaa uu sheegay Mudiir,in shirkaas lagu dhameynayo dhamaan rabshadaha u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo muddo dheer soo jiitamayay.

Ismaamullada Dalka Itoobiya gaar ahaan Oromada iyo Soomaalida ayaa muddo dagaallamayay,waxaana muranka ugu badan uu ka dhashay khilaaf dhinaca dhulka ah iyada oo Ismaamulka Soomaalida uu Oromada ku eedeeyay dhul ballaarsi taas oo uu maamulka ka hortagayay.

Dhinaca Ismaamulka Oromada ayaa dhiggooda Soomaalida ku eedeeyay in ay Ciidamada Liyuu Booliska ah ku leynayeen dadka rayidka ah ee Oromada degaankaas.

Billowgii khilaafka dowlada Abiye Axmed iyo Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka billowday kaddib markii Cabdi uu diiday in uu ka qeybgalo shir uu ku baaqay Xisbiga haya talada Dalka Itoobiya,waxaana dowladda Abiye u kaba geshatay sidii meesha looga saari lahaa Cabdi Maxamuud Cumar .

Ugu yaraan 50 Qof ayaa ku dhimatay halka tobanaan qof oo kalena ay ku barakaneen Rabshadihii ka dhashay riditaanka Maamulkii Cabdi,waxaana dhibka ugu badan ka dhacay Jigjiga,iyada oo Dhallinyarada taageersan Cabdi Maxamuud Cumar ee uu u bixiyay Heego,lagu eedeeyay in ay gubeen Kaniisado sidoo kalena boobeen hantida dadka aan Soomaalida ahayn ee deggan Jigjiga.

Shirweynaha saddex Geesoodka ah Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo labada Ismaamul Goboleed wali si rasmi ah uguma dhawaaqin hayeeshee Wariye Daahir Mudiir, oo si dhow ula socda arrimaha hoose ee dowladda Ra’isalwasaare Abiye Axmed ayaa xaqiijiyay in shirkaas dhacayo waqti dhow.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here