Maraykanka oo sheegay in duqeyn ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

0
666

Maraykanka oo sheegay in duqeyn ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegtay inay duqeyn ku dileen saddex ka mid dagaalyahanada ururka Alshabaab.

War ka soo baxay ciidamada u qaabilsan Milatariga Maraykanka qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday meel u jirta magaalada Muqdisho 40km.

“Waxaan qiimeyneynaa in aysan dad rayid ah waxyeelo ka soo gaarin duqeyntan oo ka dhacday meel ka xigta 40km dhinaca Koofur Galbeed magaalada Muqdisho.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidamada Maraykanka u qaabilsan qaarada Afrika.

Ciidamada Maraykanka ayaa hore duqeymo waxa ay ugaga geysteen deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya iyadoo qaar kamid ah duqeymaha ay geysteen ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here