Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Shiinaha

0
611

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,isagoo ku sii jeeda dalka shiinaha halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shirka ay yeelanayaa madaxda Africa iyo madaxweynaha shiinaha.

Shirkan ayaa waxaa loogaga hadlayaa iskaashiga ka dhexeeya dalka Shiinaha iyo wadamada qaarada Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ka helay Madaxweynaha dalka shiinaha waxaana lagu wadaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda ka socota qaarada Afrika ee ka qeybgalaysa shirka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here