NAXDIN : Maydadka Dad Ay Laysay Oromadu Oo La Soo Gaadhsiiyay Magaalada Jigjiga Iyo Banaanbaxyo Waawayn Oo Dhacay

0
917

NAXDIN : Maydadka Dad Ay Laysay Oromadu Oo La Soo Gaadhsiiyay Magaalada Jigjiga Iyo Banaanbaxyo Waawayn Oo Dhacay

Jig Jiga (Dalmar-News):- Banaanbaxyo waa weyn ayaa ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Banaabaxa ayaa yimid ka dib markii meydka in ka badan 15 qof oo ah Haween, Caruur iyo Dad waayeel ah oo Soomaaliyeed lagu laayay degaanka Tuli-Guuleed ee ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Oromada la keenay Jigjiga.

Kumanaan qof ayaa iskugu soo baxay gudaha magaalada Jigjiga & barxada isbitaalka, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin ficilada ugaadhsiga shacabka iyo qof kasta oo suurad Soomaaliyeed ah ee ay wadaan ciidamada Millatariga iyo qeybta Oromada.

Booliska Faderaalka & ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa isku dayay in xaaladda magaalada Jigjiga la dajiyo, balse dadkii ugu faraha badnaa ayaa ku soo xoomay Wadooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here