Qaramada Midoobay oo 2019 U Aqoonsatay Sanadkii Jadwalka “Mendeleev”

0
688

Qaramada Midoobay oo 2019 U Aqoonsatay Sanadkii Jadwalka “Mendeleev”

Qaramada Midoobay waxey u aqoonsatay daahroggii caalimkii Chemistry-ga ee Ruushka ahaa ee “Dmitri Mendeleev” ee Jadwalka (Periodic table) inuu ahaa daahrog muhiimad gaar ah ugu fadhiya aadanaha, iyadoo sanadka 2019  lagu maamuusayo dadaalkii caalimkaasi uu ku bixiyay horumarinta cilmiga.

Xarunta warfaafinta Qaramada Midoobay ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay: “Qaramada Midoobay sanadka 2019 waxey u aqoonsantay inuu yahay sanadkii Jadwalka Periodic tabel ee curiyeyaasha Kiimikeed, sanadka 2019 waxa uu noqonayaa sanadkii 150 ee ka soo wareegatay aasaaskii jadwalkaas oo uu daahrogay caalimikii Ruushka u dhashay ee Dmitri Mendeleev.

Daahroggan ayaa Qaramada Midoobay ku tilmaantay inuu ahaa “Dariishad dunida u furantay” si kownka aan ku noolnahay waxyaabo badan looga ogaado.

Jean-Paul Ngome Abgiaga oo ah isku-dubaridaha xafladaha maalmaha caalamiga ah ee UNESCO ayaa yiri: “Jadwalka Mendeleev waxaa lagu tiriyaa guulihii ugu waaweynaa ee cilmiga laga gaaray.”

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Waxaan jeclahay xafladaha qorsheysan 2019 iney muujiyaan kaalinta aasaasiga ah ee cilmigu ka qaatay xallinta dhibaatooyin caalami ah, munaasabadahaa waxaa lagu muujin doonaa doonaa horumarka lagu gaaray daahrogyada cilmiga, waxaan ku dhiirrigelin doonnaa jiilka cusub iney sii ballaariyaan xuduudda aqoonta aadanah, sida uu sameeyay Dmitri Mendeleev Qarnigii 19aad.

Johnson Matthey@JM_FineChems

Fantastic to hear from @IUPAC that the @UN has designated 2019 as the International Year of the of Chemical Elements, 150 years on from when it was first published by Dmitri Mendeleev https://www.chemistryworld.com/news/2019-to-be-the-international-year-of-the-periodic-table/3008504.article 

 

Maandeeq FM  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here