Inta Aadan Shaqada Aadin Ka hor.. Quraac Dhammeystiran Waxey Kaa Taageertaa Inaad Sameyso Wax-soo-saar Wanaagsan

0
933

Inta Aadan Shaqada Aadin Ka hor.. Quraac Dhammeystiran Waxey Kaa Taageertaa Inaad Sameyso Wax-soo-saar Wanaagsan

Quraacdu waxey muhiimad gaar ah u leedayahay shaqadaada maalintii, marka uu jirku qaato cunno dhammeystiran waxa uu ka helayaa tamar iyo firfircooni ka taageeraysa inuu si wanaagsan u guto shaqo maalmeedka wax-soo-saar wanaagsanna uu la yimaaddo.

Dr.Kariim Jamaal oo ku takhasusay Nutrition-ka buurnida iyo iscaateynta isla markaana xubin ka ah Jamciyadda Masar ee Nutritaion-ka oo la hadlay joornaalka caanka ah ee “Youm7”, ayaa sheegay in Quraac dhammeystiran oo fudud ay ku habboon tahay inuu qofku cuno inta aanuu shaqada aadin ka hor.

Waxa uu caddeyay in quraacdaa ay qofka ka dhigeyso mid dharagsan oo aan dareemayn wax gaajo ah, taas oo dhankeeda ka taageeraysa inuu wax-soo-saar wanaagsan la yimaado shaqada uu qabanaayana uu xoogga saaro.

Wadada ugu habboon ee quraacda ugu fiican loogu diyaariyo dalalka adduunka waxaa lagu kala duwan yahay, waxaase ugu wanaagsan in canjeerada subixii guryaheenna lagu dubo(ka Soomali ahaan) aad u helsho suugo ukun iyo khudaar laga sameeyay oo miisaaman, ansalaato iyo galaas caano ah, haddii ay suuraggal tahay.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here