JIGJIGA : Mustafa Cagjar oo sheegay shan qodob uu xooga saari doono inta uu xilka hayo

0
800

JIGJIGA : Mustafa Cagjar oo sheegay shan qodob uu xooga saari doono inta uu xilka hayo

Ku simaha madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo shalay loo dhaariyay xilka iyo kamid ahaanshaha xisbiga talada haya, ayaa baarlamaanka u aqriyay qodobada ugu muhiimsan ee uu ka shaqeyn doono mudada uu xilka hayo.

Wuxuu sheegay inay jiraan arimo muhiim ah oo u baahan in xooga la saaro, oo ay ugu horeyso soo celinta xasiloonida deegaanka iyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladooda.

Wuxuu sheegay inuu ugu horeyn diiradda saari doono Xalinta colaadaha ka dhex jira qabiilada deegaanka iyo qowmiyadaha kala ee deriska la ah Soomaalida.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu soo celin doono Sareynta Sharciga iyo xuquuqaha ay leeyihiin dadweynaha, iyadoo la joojin doono awoodaha dheeriga ah ee ay yeelan karaa madaxda dowladda, taasi oo lagu dhibaateyn karo dadka.

Arinta ugu sii muhiimsan ee uu ka shaqeyn doono ayuu ku sheegay inay tahay soo celinta Soomaalinimada  iyo astaamaheeda, taasi oo muujineysa isirka ay kasoo jeedaan islamarkaana aan dhibaato ku aheyn inay kasii mid ahaadaan Ethiopia.

“Haddii aan Soomaalinadeena haysan, waxaan halis u nahay inaan dhaqan guurno, waxaana ka shaqeyn doonaa, soo celinta Soomaalinimada iyo astaamaha nalagu yaqaanay” ayuu yiri Mustafa Cagjar.

Mustafa Cagjar, ayaa shalay gaaray magaalada Jigjiga, wuxuuna Addis Ababa kaga dhawaaqay in la badalay magaca iyo astaantii calanka ee lagu yaqaanay dowlad Deegaanka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here