Filimada Jimcadan masraxa la wada saarayo Yamla Pagla Deewana Phir Se Vs Stree

0
1364

Filimada Jimcadan masraxa la wada saarayo Yamla Pagla Deewana Phir Se Vs Stree

Jimcadan (31 Aug 2018) waxaa tiyaatarada la isla saaraa labo filim oo aad u kala duwan fariin ahaan balse hal arin ayay ka mideesan yihiin sida dadka looga qosol siiyo.

Reer Deol Dharmdendra, Sunny Deol iyo Bobby Deol waxaa u diyaarsan filimka shactirada dhameestiran leh Yamla Pagla Deewana Phir Se waana qaybta sedexaad taxanaha Yamla Pagla Deewana.

Rajkumar Rao iyo Shraddha Kapoor filim xiiso leh ayaa Jimcadan masraxa loo saaraa waa Stree oo ah filim cabsi iyo shactiro isku jiro aadna kaaga nixin doono marka qosol gariir kaa keeni doono.

Yamla Pagla Deewana Phir Se

Director: Navaniat Singh

Jilaayaasha: Dharmendra, Bobby Deol, Sunny Deol, Kriti Kharbanda

Fariintiisa Oo Kooban: Param (Sunny Deol) iyo Kaala (Bobby Deol) marwalbo waxay ku taagan yihiin caawinta dadka aan garabka heesanin. Laakiin waxay ku kala duwan yihiin in Param (Sunny Deol) dadka dan gaar ah weydiisanin laakiin Kaala (Bobby Deol) dadka wuxuu u caawiyaa inuu lacag ka helo ama dantiisau fuliyaan.

Labadii kala ujeedada ahaayeen waxaa gurigiisa marti ahaan ugu soo dhaweenayo Parmar (Dharmendra) waa nin qalbi furan wax walbana fahmi karo sidoo kalena abuukaate ah.

Laakiin Kaala (Bobby Deol) marka uu jeclaado gabbar reer Kujaraat ah Kriti Kharbanda wax yaabo laba filaan ah oo jah wareer gelinaayo sedexda saaxiibada ahayd ayaa dhici doonaan.

Stree

Director: Amar Kaushik

Jilaayaasha: Shraddha Kapoor, Rajkummar Rao, Aparshakti Khurrana

Fariintiisa Oo Kooban: Magaalo qadiimo ah sidoo kalena waxyaabo lama filaan ah ka dhacaayo waxa ugu yaab badan ayaa ah haweeneey halyee magaladaas xili ka ahayd inay habeen u wacaneyso ragg kala duwan kadibna af duubaneyso kadibna dhamaantooda dharka ka dhigeyso.

Raggaas marnaba dib uma soo laabanayaan si ay dadka ugu sheegaan wixii la yaabka lahaa oo ay la kulmeen ama dhibaatadii qabsatay. Haddaba cabsida magaalada oo joogto ah haddana Rajkumar Rao iyo Shraddha Kapoor ayaa isku dhex jeclanayaan iyo dhibaatooyinka ay la kulmayaan.

Aqriste YPD Phir Se Iyo Stree Filimkee Xiis Gaar Ah U Qabtaa Daawashadiisa?

 

 

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here