Faahfaahino kasoo baxaya Qarax Gaari oo ka dhacay degmada Hodon ee G/Banaadir

0
693

Faahfaahino kasoo baxaya Qarax Gaari oo ka dhacay degmada Hodon ee G/Banaadir

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir, kaasi oo dhawaaqiisa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka warshadii hore ee caanaha, waxaana uu ahaa gaari Kaarib ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dadka goobjoogayaasha ah ayaa Jowhar.com u sheegay in hal  askari oo gaariga la socday uu ku dhintay qaraxa ka dhacay agagaarka warshadii hore ee caanaha.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa tagay goobta,iyaga oo xiray aagga uu qaraxa ka dhacay,waxaana ay hadda halkaas ka wadaan baaritaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa tagay goobta,iyaga oo xiray aagga uu qaraxa ka dhacay,waxaana ay hadda halkaas ka wadaan baaritaan.

Wararka qaar ee aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga Qaraxa uu haleelay uu ka horeeyay Gaari Cabdi Bille ah, kaasi oo lagu qaaday dhaawaca askariga saarnaa gaariga Kaaribta ee uu qaraxa haleelay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee ku aadan Qaraxan maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay, awaxana uu ku soo aadayaa xilli Wadooyinka qaar ee Muqdisho ay Maanta xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here