DAAWO: Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Go’aan Ka Soo Saaray Mooshin Ka Dhan Ah Shirkada Dp World Ee Gacanta Ku Haysa Dekeda Magaalada Boosaaso

0
705

DAAWO: Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Go’aan Ka Soo Saaray Mooshin Ka Dhan Ah Shirkada Dp World Ee Gacanta Ku Haysa Dekeda Magaalada Boosaaso

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, kaasi oo ay kaga hadlayeen arimo dhowr ah.

Ajandaha Kulanka waxaa kamid ahaa mooshinkii dhawaan qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay ka keeneen Shirkadda P&O oo qeyb ka ah shirkadda DP World.

Baarlamaanka ayaa gabi ahaanba maanta meesha ka saaray mooshinkii horey looga keenay xubnaha baarlamaanka Puntland, waxayna sheegeen inaan uusan sii jireyn mooshinka.

Eedeymaha horey loogu jeediyay Shirkadda DP World, ayaa waxaa kamid ahaa inaysan fulin qodobada heshiiskii loogu wareejiyay dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Furitaanka kulankii baarlamaanka Puntland ee maanta, ayaa waxaa laga hor aqriyay mooshinka xildhibaanada ka keeneen maalmo ka hor, waxaana kadib sii amba qaadistii loo sameeyay cod gacan taag ah.

10 Xildhibaan ayaa ogolaaday inuu sii socdo Mooshinka oo doodo laga yeesho, waxaana diiday 23 xildhibaan, sidaasi uyuuna ku buray mooshinka ay horey usoo gudbiyeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here