Madaxwayne Trump Oo Hakiyay Booqo Wasiirkiisa Arimaha Dibadu Ku Tagi Lahaa …

0
730

Trump Oo Hakiyay Booqo Wasiirkiisa Arimaha Dibadu Ku Tagi Lahaa …

USA (Dalmar-News):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
ayaa joojiyay qorshe toddobaadka dambe uu xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo uu booqasho uga tegi lahaa Kuuriyada Waqooyi, qoraalo is xiga xiga uu kusoo qoray Twitter-ka ayuu Trump kaga cawday inaysan jirin horumaro laga gaaray qorshaha xukuumadda Pyongyang ee ku aadan burburinta barnaamijka Nukliyerka.

Madaxweyne Trump wuxuu ku eedeeyay Shiinaha inaysan ka qayb qaadanaynin caawinta qorshaha burburinta nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi,sababtana wuxuu ku sheegay xiisadda dhanka ganacsiga ee xukuumada Washintgon kala dhexeeyso Shiinaha. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Pompeo uu booqan doono Kuuriyada Waqooyi marka xal laga gaaro ismari-waaga dhanka ganacsiga ee ka dhex taagan Mareykanka iyo Shiinaha.

Horaantii bishan ayay ahayd markii Kuuriyada waqooyi ay mar kale si kulul ugu dhaliishay Mareykanka in uusan wali qaadin cuna-qabateynta saaran dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in dhankooda ay qaadeen tallaabooyin wanaagsan oo horseedi kara is af-garad, balse Mareykanku ay ilaa hadda sii amba qaadayaan waxa ay ugu yeertay “hadallada uu waqtigooda dhacay” ayna curyaaminayaan dhaq dhaqaaq kasta oo lagu raadinayo bur burinta hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here