Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta Oo Lagu Ansixiyey Siyaasadda Qaran Ee Deegaanka

0
695

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta Oo Lagu Ansixiyey Siyaasadda Qaran Ee Deegaanka

Kal-fadhigii 19-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee golaha wasiirradu ku leeyahay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey xeerar iyo siyaasado horumarka qaranka faa’iido weyn u leh.

Kal-fadhigan oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si gaar ah loogaga dooday xeerka is-maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka, waxana lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee deegaanka, taas oo mudnaan gaar ah siinaysa ilaalinta deegaanka oo lagama maar-maan u ah nolol-wanaagga bulshada, isla markaana si qumman u sharraxaya habsami-u-adeegsiga iyo daryeelka khayraadka dabiiciga ah.

Siyaasadda qaran ee deegaanka, ayaa ah mid hoosta ka xarriiqaysa ka go’naanshaha aragtida horumarineed, iyada oo lala kaashanayo bulshada oo idil, loona maamulayo si wax ku ool ah deegaanka oo tiir-dhexaad u ah horumarka iyo isku fillaanshaha mustaqbal ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland hiigsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here