FAALO : Halkee Ayay Ku Dambayn Doontaa Baadhistii Musuq-Maasuqa Ee Ay Bilaabeen Golaha Wakiilladu??

0
652

FAALO : Halkee Ayay Ku Dambayn Doontaa Baadhistii Musuq-Maasuqa Ee Ay Bilaabeen Golaha Wakiilladu??

Guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada ayaa soo bandhigay warbixin ka hadlaysa eedaymo musuq-maasuq oo dhacay cahdigii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, taasi oo buuq iyo khilaaf ka dhex abuurtay Xildhibaannada golaha wakiillada, guddiga warbixinta soo bandhigay ee ilaalinta hantida qaranka iyo shir guddoonka golaha wakiillada oo uu hor-mood u yahay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax.

Khilaafka ay warbixintani abuurtay ayaa sabab u noqday in xilka laga caydhiyo guddoomiyihii guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranka Xildhibaan Naasir Cali Shire oo isagu horjooge u ahaa Xildhibbaanad waday baadhitaanka musuq-maasuq iyo wax is-daba marin ay sheegeen inay dhacday intii u dhaxaysay sannadkii 2016 illaa 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here