Hoggaamiyaha Daacish oo muddo dheer kadib codkiisa la maqlay

0
762

Hoggaamiyaha Daacish oo muddo dheer kadib codkiisa la maqlay

Kooxda isku magacowday dowladda islaamiga ah ee Daacish ayaa shaacisay farriin cod ah oo ay sheegeen in laga soo duubay hogaamiyahooda Abu Bakar al-Baqdaadi.

Farriintan oo ah tii ugu horreysay ee soo baxday tan iyo bishii Siteembar ee sannadkii hore ayuu kula hadlayay taageerayaasha iyo xubnaha kooxdiisa ISIS.

In kastoo uusan codku waqtiyeysneyn, haddana wuxuu u muuqday mid la xiriira dhacdooyin dhawaan dhacay, oo ay ka mid tahay xariga baadari Mareykan ah oo ku sugan Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay codkiisa ayaa sheegtay in uu yiri “Mujaahidiintama guushooda ama guul darradooda kuma xirna magaalo la xaday kumana niyad jabayaan gantaallada cul culus iyo bambaanooyin casri ah oo loo adeegsado” .

Kooxda Daacish ayaa lagala wareegay inta badan dhulalkii ballaarnaa ee ay ka maamuleysay waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Sannadkii la soo dhaafay waxaa kooxdan lagu khasbay in ay ka baxaan magaalada Raqqa oo ahayd xaruntoodi ugu weyneyd ee dalka Suuriya iyo Magaalada Muusil oo ahayd halkii uu Baqdaadi uga dhawaaqay maamulka uu ku magacaabay khilaafada Islaamiga ah sannadkii 2014-kii.

Baqdaadi oo madaxiisa la dul dhigay lacag dhan $25m (£19m) oo la siinayo ciddii ku sheegta nolol ama geeri ayaa dhowr jeer oo hore la soo tabiyay in la dilay ama uu dhaawacmay.

Horraantii sannadkaan waxaa la sheegay in la dilay wiilkiisa oo ahaa “taliye dhinaca howl gallada kooxda ah” kaasoo sida ay warbaahinta Daacish sheegeen ku geeriyooday weerar ka dhacay gobolka Ximis ee dalka Suuriya.

Dhinaca kale war bixin ay Qaramada Midoobay soo saartay billowgii bishaan ayaa lagu sheegay in tiro u dhaxeysa 20,000 ilaa 30,000 oo dagaalyahannada Daacish ah ay ku suganyihiin dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Khaliifka

Bishii Juunyo ee sannadkii 2014-kii ayey kooxda daacish markii ugu horreysay si buuxda u soo baxday awooddeeda ka dib markii ay la wareegtay magaalada Muusil waxaana isla markiiba uu af hayeen u hadlay kooxda ku dhawaaqay in dib loo soo celiyay “maamulkii khilaafada Islaamka”.

Maalmo yar ka dibna, al-Baqdaadi ayaa khudbadda jimcada ka jeediyay masaajidka Muusil halkaasoo uu si rasmi ah uga dhawaaqay in uu yahay “khaliifka islaamka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here