artanka Loogu Jiro Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE Oo Sii Xoogaystay Jaamac Shabeel Oo Ku Dhawaaqay In Uu Tartamayo

0
630

artanka Loogu Jiro Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE Oo Sii Xoogaystay Jaamac Shabeel Oo Ku Dhawaaqay In Uu Tartamayo

Guddoomiyaha golaha dhexe xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa jawaab adag u diray maamulka Puntland, isla markaana madxweynaha maamulkaas Cabdiwali Gaas uga digay in uu isku dayo dagaal uu ku soo qaado Somaliland oo uu sheegay in uu ku jabi doono, mar kastana Somaliland diyaar u tahay in ay dalkeeda difaacato, laakiin cidna aanay cadaw ku ahayn oo aanay duullaan ku haynin.

Waxa kale oo uu Jaamac Shabeel ka hadlay hankiisa siyaasadeed ee hoggaaminta dalka, waxaanu ku dhawaaqay in uu u tartamayo kursiga ugu sarreeya xisbiga KULMIYE ee ah guddoomiyaha xisbiga. Waxaanu tilmaamay in guddoomiyaha xisbigu uu yahay halka ugu horraysa ee loo tartamo marka qofku uu doonayo in uu dalka madaxweyne ka noqdo.

Guddoomiye Jaamac Shabeel oo ugu horrayn jawaab ka bixinayay hanjabaaddii colaad hurinta ahayd ee maamulka Puntand ku dhawaaqay, ayaa yidhi “Putland laf bay toobin ku haysaa, qorraxda ayaanay doonayaan in ay sacab ku qariyaan. Qorraxdana sacab laguma qarin karo, lamana hanjabo ee haddii aad wax samanayso waa la sameeyaa.

Cabdiwali Gaasna wuxuu doonayaa in uu muddo kordhin samaysto, waxaanan leenahay ummada dhib ha u gelin kursigaaga dartii. ummadu nabad gelyo ayay ku nooshahay, waanay wada shaqaysanaysaa, dhibaatooyin ayay ka soo baxday umana baahna dhibaato cusub oo ay gasho.

Somaliland cidna duulllaan kuma aha, laakiin way u midaysan tahay difaaca dalkeeda, waana lama taabtaan xuduud sharci ayaana noo dhaxaysa Soomaaliya. Cabdiwalina waxaan leeyahay waxba dhiigga dadkaaga muddo kordhin ha ku raadsan ee gees kale uga wareeg.”

Guddoomiye Jaamac Shabeel oo ka hadlayay hankiisa siyaasadeed ee mustaqbalka iyo hoggaaminta dalka waxaa uu sheegay in uu u taagan yahay tartanka guddoomiyaha xisbiga isla markaana uu ku rejo wayn yahay in uu ku guulaysanyo haddii lagaga guulaystana uu aqbalayo soona dhawaynayo lana shaqaynayo cidda ka guulaysata. Waxaanu yidhi “Sannadkan waan u tartamayaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, haddii layga helana waan hannaynayaa oo hore ayaan u soconayaa, marka aad u socoto madaxweynenimada waa in aad qabato guddoomiyaha xisbiga, waana qasab in aan u tartamo guddoomiyaha xisbiga, waanan ku rejo waynahay in aan maalin uun ku fadhiisto guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waanu igu jiraa hankaasi.”

Halkan hoose ka DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here