Gaadiid Tiro badan Oo Laga Dhacay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Lagu Qabtay Soomaaliya

0
889

Gaadiid Tiro badan Oo Laga Dhacay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Lagu Qabtay Soomaaliya

Wararka naga soo gaadhaya degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka ay gacanta ku soo dhigeen gawaadhi lagala soo baxsaday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya dhawaan.

Taliyaha ciidanka booliska degmada Balanballe Cabdi Muuse Cali oo la hadlay idaacadda Kulmiye oo fadhigeedu Muqdisho yahay ayaa sheegay in xuduudda lagala soo gudbay dhowr iyo toban gawaadhi ah, xilliganna ay gacanta ku soo dhigeen gawaadhi aan tiro yareyn, qaarkoodna waxa uu sheegay taliyuhu in gawaadhidan loola gudbay deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyada oo dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato ay ka taagantahay xiisado colaaddeed oo ka dhashay isbedalkii dhawaan ka dhacay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here