DP World Oo Codsatay In Muddo Kordhin Loogu Sameeyo Dayactirka Dekadda Berbera Oo Ay Hore U Balan Qaaday Iyo Muuse Biixi Oo Ku Gacan Saydhay

0
666

DP World Oo Codsatay In Muddo Kordhin Loogu Sameeyo Dayactirka Dekadda Berbera Oo Ay Hore U Balan Qaaday Iyo Muuse Biixi Oo Ku Gacan Saydhay

Shirkadda DP World ayaa waxa ka dhacay wakhtigii ay qabsatay ee ahaa in ay ku ballaadhiso dekadda magaalada Berbera, waxaan soo baaya warar sheegay in muran badani uu dhex maray xukuumadda Somaliland iyo maamulka Shirkadda DP World oo ku saabsan arrintani.

DP World ayaa codsatay in muddada halka sano ah ee ay ku ballan qaadday in ay ku ballaadhineyso dekadda ka dhammaatay, una baahan tahay in la siiyo labo sano oo dheeraad ah.

Hayeeshee xukuumadda Somaliland ayaa arrintaas ka biya diiday, iyaga oo go’aankooda ku adkeysanaya madaxda shirkadda DP World waxaa ay warqad u dhiibeen madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Warqadda ayaa la sheegayaa in ay ku qorneyd in Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi ka dhaadhiciyo in DP World waqtiga loo kordhiyo looguna daro labada sano ee ay codsatay.

Xildhibaan Maxamed Farax Qabile oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi ula tagay arrintaas hayeeshee uusan isagu garaneyn in uu ka aqbalay iyo in kale.

Maareeya Dekadda magaalad Berbera Siciid Xasan Cabdullahi, ayaa sheegey in ballan qaadkii DP World ee ahaa ballaarinta dekadda Berbera muddo sannad gudahiis ah ee ku xusan heshiiska labada dhinac uu dib u dhac ku yimid.

Waxaa uu xusay in 11-ka bisha October ee soo socota la dhagax dhigayo mashruuca ballaadhinta dekadda Berbera, iyada oo qaar ka mid ah madaxda mucaaridka Somaliland ay sheegayaan in DP World aysan waxbadan ku kordhin tan iyo markii ay la wareegtay.

Siciid Xasan Cabdullahi, ayaa sheegay in shaqada dekadda Berbera ay 40% sare uga kacday sidii ay ahayd ka hor inta aysan la wareegin DP World hayeeshee dhinaca mashruuca ballaadhinta uu gaabis ku yimid.

Qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ayaa qoraya in kulanka dhexmaray Muuse iyo Siilaanyo aysan ka soo bixin natiijo u wanaagsan DP World, Muuse Biixina wallaac ka muujiyay aqbalaadda arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here