Bandhigga 4aad ee Buugaagta “Mogadishu Book Fair” oo Si Rasmi ah Loo Daahfuray

0
914

Bandhigga 4aad ee Buugaagta “Mogadishu Book Fair” oo Si Rasmi ah Loo Daahfuray

Carwada Buugaagta ee Mogadishu Book Fair ayaa maanta si rasmi ah looga daahrufay sanadkii Afaraad oo xiriir ah gudaha magaalada Muqdisho.

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimayay oo ay ka qeybgalay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha gobolka Benaadir Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Maxamed Diini Agaasimaha Carwada, Macallin Siciid Saalax Axmed, qalin maal dalka iyo dibaddiisa ka yimid iyo qoraa da’yar ah oo sida la sheegay ay carwadu ku dhiirrigelisay iney wax qoraan.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Eng. Yariisow oo daahfurka bandhigga hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay bandhigga, tilmaamayna iney dhiirrigelin loo sameeyo qoraaga Soomaaliyeed:

“Waxaa maanta farxad weyn inoo ah inaan halkan iskugu nimaado, inagoo soo bandhigayna tacabka qaar ka mid ah aqoonyahannada iyo qalin maalka Soomaaliyeed, waxaa sharaf u ah magaalada Muqdisho in carwadan buugaagtu ay Afar jirsato, taasi waxey ka tarjumeysaa sida shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu daneynayaan, waxaa muuqata in aad loo fahmay lana daneynayo akhriska iyo qoraalka. waxaan rabaa inaan u mahaceliyo cid alaala iyo ciddii kaalin ka geysatay sidii ay u suurageli lahayd bandhiggan Afaraad, in xafladdaan iyo hoolkaan quruxda badan iskugu nimaadno uu ugu horreeyo Maxamed Diini iyo dhalinyarada runtii juhdiga gelisay, kana muuqato hoolkan aan fadhinno sida qiimaha iyo qaayaha badan ee aadka iyo aadka loosoo abaabulay.Soomaalidu dhageysiga aad bay ugu wanaagsan tahay, waxyaabaha in la dhiirrigeliyo waxaa ka mid ah akhriska, iney wax akhriyaan waxaa keeni kara in la dhiirrigeliyo barnaamijada noocan oo kale ah.”

Dhanka kale, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa si xeeldheer uga hadlay qiimaha qoraalku uu leeyahay isagoo si rasmi ah u daahfuray bandhigga:

“Waxeynu maanta si nabad ah uga wada qeybqaadaneynaa soo bandhigga buugaagta ee carwada buugaagta sanadkii 4aad ee Muqdisho oo aynu ku arkaynno qalinlayda, qalin maalka iyo akhriska. aqoontu wax wey ayay bulshada u tartaa iyo ummad kasta oo jirta, sida xadaaradda iyo ilbaxnimada faca weyn ee aadanuhu uu ku soo naaloolaa, xadaaradihii adduunka soo maray sida taariikhdu ay ka marag kacayso, waxaa aasaas iyo saldhig u ahaa qalinka iyo akhriska iyo fahamka, aqoonta, thaqaafada iyo ilbaxnimada.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Ayaaddii ugu horreysay ee Qur’aanka waxey ka hadashay, Akhriska, Qalinka iyo qoraalka taas oo asal u ah Islaamka iyo xadaaradaha kale ee adduunka. in lagu tartamo qalin in aqoontu ina hagto in maskaxda aynu tuujinno, in thaqaafada lagu tartamaa ummadaha horumar ayey u horseeddaa. qof kastaa inta uu wax akhriyo ayuu ka maskax ballaaran yahay waxbarashadana uu ogyahay… sanadkii afaar ee Muqdisho Book Fair si rasmi ah ayuu inoogu furan yahay.”

Si kastaba, Carwada buugaga Mogadishu Book Fair ayaa sanadkii 4aad oo xiriir ah ka hirgashay gudaha magaalada Muqdisho, waxey socon doontaa muddo saddex maalmood, waxaa lagu soo bandhiggayaa buugag cusub iyo  kuwii hore intaba iyadoo ay barbar socdaan soo jeedinno ay aqoonyahanku talooyin ku siinayaan dhalinyarada si ay aqoontooda u kobciyaan qiimaha akhriskana ay ugu baraarugaan.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here