Wasiir Cawad oo ka hadlay walaaca Jabuuti ee xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea

0
629

Wasiir Cawad oo ka hadlay walaaca Jabuuti ee xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii u horeysay ka hadlay walaaca Jabuuti ka qabto xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan baaqii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado.

Wasiir Cawad oo wareysiyo kala duwan siiyay qaar ka mid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay tahay dalaal walaalo iyo saaxib ah, isla markaana uga duwan dalalka kale ee Caalamka.

“Jabuuti waa dal walaalo oo Saaxiib ah, Soomaaliya iyo iyaga kala maarmi karin, marka War saxaafadeed hal mar soo baxay waxaa ka weyn xiriirka waaraya ee labada dal, marka waa xiriir xooggan oo walaalnimo ah wax haleyn karana ma jiro”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Mar wax laga weydiiyay walaaca Jabuuti qabto iyo haddii ay ka qanciyeen cabashadooda ayuu xusay in laga wada hadlayo, waxaa uu sheegay in safarkii Ra’iisul Wasaare Kheyre todobaadkii hore ku tagay magaalada Khartoum ay isku arkeen Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale waxaa uu xusay in isaga iyo dhiggiisa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ay xiriir wanaagsan leeyihiin.

Waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay wado dadaalo lagu dhex dhexaadinayo labada dal Jabuuti iyo Eritrea sida uu hadalka u dhigay.

“Dadaalo wuu socdaa, Madaxweynaha markuu tagayay Eritrea wuxuu kala hadlay waxyaabaha ay Jabuuti tabaneyso, marka dadaaladaas wey socdaan Madaxweynaha iyo madaxda kale waa ku howlan yihiin”ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo socdo sidii dalalka Gobolka oo dhan u dhex mari lahaa xiriir wanaagsan oo ku dhisan is ixtiraam, nabadgelyo, horumar iyo iskaashi dhaqaale, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay horseed u tahay dadaaladaas.

Jabuuti ayaa walaac ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Asmara ee ahaa in laga qaado Eritrea cunaqabateynta saaran, iyadoo Jabuuti iyo Eritrea ay dhex taalo xiisad ka dhalatay dagaalo labada dal dhex maray sanadkii 2008-dii, waxaana Eritrea heysataa dhul ay leedahay Jabuuti iyo maxaabiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here