Qaxooti Soomaali iyo Eritrean ah oo saaran markab loona diiday inay gudaha u galaan qaarada Yurub

0
579

Qaxooti Soomaali iyo Eritrean ah oo saaran markab loona diiday inay gudaha u galaan qaarada Yurub

Qaxooti isugu jira Soomaali iyo Eritrean kuwaasoo tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan 67 ruux oo ay carruur ku jiraan ayaa saaran markabka Aquarius oo taagan badda Meditereneanka waxayna la’ yihiin dal qaabila.

Dowlada Talyaaniga ayaa ugu baaqday dalka Britain in ay qaabilaan qaxootigan oo tiradoodu gaareyso 141 ruux oo 67 ka mid ah ay yihiin Soomaali iyo Eritrean maadaama markabka ay qaxootigan saaran yihiin uu wato calanka Gibraltar oo ka mid ah dhulweynaha Britain.

Hase yeeshee Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in haddii la eego dhinaca calanka markabka uu ku safrayo ay sax tahay balse waxa uu ku taliyay in la tixgeliyo xaalado kale oo ah sida loo soo badbaadiyay qaxootigan.

Afhayeen u hadashay Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan qaxootiga Tove Ernst oo kula hadashay saxafiyiinta magaalada Burssels ayaa sheegtay in ay suurtogal tahay in ay tixgelin mudan tahay calanka markabka uu ku safrayo, Balse haweeneydan ayaa raacisay in ay la xiriireen dalal badan ayna wadaan dadaalo lagu xalinayo arrintan.

Markabka The Aquarius oo bishii June ee sanadkan soo badbaadiyay illaa 630 qaxooti ah kadib markii ay iska soo celiyeen dalalka Talyaaniga iyo Malta ayaa dib u bilaabay toddobaadkii la soo dhaafay soo badbaadinta qaxootiga doomanka ka soo raacaya dalka libya.

Jimcihii aynu soo dhaafnay ayaa markabkan waxaa uu soo badbaadiyay illaa 141 ruux oo kala bar ay caruur yihiin waxana uu la’ yahay illaa iyo hadda dal aqbala qaxootigan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here