Hurdada Badani Khatartan Caafimaad Ayey Leedahay (Daraasad Cusub)

0
1028

Hurdada Badani Khatartan Caafimaad Ayey Leedahay (Daraasad Cusub)

Daraasad cilmiyeed cudus oo ay sameeyeen cilmi-baarayaal Ingiriis ah ayaa daahrogtay khatarta hurdada badani ay leedahay, taas oo waqtigeedu uu ka badan yahay 8 saacadood maalintii.

Daraasaddan oo ka soo baxday jaamacadda Keele University UK ayaa lagu sheegay dadka seexda in ka badan 8 saacadood maalintii ay khatar ugu jiraan iney dhalinyaranimo ku geeriyoodaan si ka badan kuwa asaagooda ah ee saacado intaa ka yar seexda.

Jariidada The Sun ee UK ka soo baxda ayaa ka soo xigatay cilmi-baaraha  Dr Chun Shing Kwok inuu yiri, in hurdada oo si mug leh loo seexdo ay keento waxa loo yaqanno big disorder oo dhankiisa keenaya in neefsiga uu kala go’o xilliga huradada.

Cilmi-baarayaashu waxey dhiraandhiriyeen 3 milyan oo qof xogtooda caafimaad oo la uruuriyay inta u dhaxeysay 1970-2017, waxey ogaadeen in dadka saacadaha badan seexaad ay ku kordhayso khatarta ah iney qaadaan cudurrada wadanaha ee khatarta badan heer gaarsiisan 44%.

Kwok waxa uu hoosta ka xarriiqay “Daraasaddeennu waxey muujineysaa in hurdada lagu talaxtago ay tahay khatar laga qaado cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Iney habboon tahay marka ay dhakhaatiirtu ogaadaan in bukaan maalintii seexdo in ka badan 8-saacadood ay ku sameeyaan baaritaan loogu dhabbagaleyo waxyaabaha keena cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga iyo mid kale oo dhanka kala go’a neefsashada ah muujinaya.”

SunHealth@TheSunHealth

People who sleep more than 8 hours-a-night are more likely to die young, shocking new study finds https://www.thesun.co.uk/news/6957552/sleep-long-die-young-keele-university-sleep-apnea/ 

People who sleep more than 8 hours a night are more likely to die young, shocking new study finds

PEOPLE who sleep more than eight hours a night are more likely to die YOUNG, a bombshell study has claimed. Those who always make time for a lie in could end up with a “serious sleep disorder…

thesun.co.uk

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here