Qeyb Ka Mid ah Maskaxda oo Keenta Welwelka, Shakiga & Niyad Jabka oo La Daahrogay

0
1273

Qeyb Ka Mid ah Maskaxda oo Keenta Welwelka, Shakiga & Niyad Jabka oo La Daahrogay

Koox saynisyahanno ah oo ka tirsan culumada neuroscientists ayaa ku guuleystay iney helaan goobta maskaxda ee mas’uulka ka ah shakiga, welwelka iyo niyad jabka. cilmi-baaris cusub oo ay sameeyeen ayey ku ogaadeen in welwelka, walaaca iyo niyad jabka ay ka dhashaan dhibaato soo gaarta qeyb ka tirsan maskaxda.

Website-ka arrimaha caafimaadka ka faallooda ee la yiraahdo “Medical News Today“, ayaa soo qaatay cilmi-baaris lagu faafiyay joornaalka Neuron, cilmi-baarayaashu waxey heleen in goob maskaxda ka tirsan oo la yiraahdo “Caudate nucleus” ay mas’uul ka tahay fakarka taban ee aan wanaagsaneyn.

Cilmi-baarayaashu daraasaddoodan waxey ku caddeeyeen in qeybaha maskaxda ee go’aan qaadashada mas’uulka ka ah ay saameyso wararka aan wanaagsaneyn.

Cilmibaaristan waxaa hoggaaminayay senior researcher “Ann Graybiel” oo ah professor ka tirsan mac’hadka Massachusetts Institute of Technology ee gudaha Cambridge.

Hadaba, cilmibaarayaashu waxey leeyihiin dhibaato soo gaartay goobta Caudate nucleus, waxey sababi kartaa welwel, walaac, shaki iyo niyad jab,  tijaabooyin badan oo ay sameeyeen miisaanka waxaa dhinaca kale ay ugu rogeen ee wanaagsan iney isticmaaleen dhiirigeliyaayaal uu ku jiro hormoonka “dopamine”.

Dhanka kale, waxey ogaadeen in maadada dopamine ay mas’uul ka tahay dareenka qofka, jinsiga iyo music-ga, waxey xoojisaa, ayey yiraahdeen, awoodda waxbarasho iyo farxadda, sidaas oo kale maskaxdu si degdeg ah uma isticmaasho.

Waxaa xusud mudan, in gudaha dalka Mareykanka oo kaliya ay ku noolyihiin 16 milyan oo qof oo uu hayo depression xooggan, 7 milyan oo qof oo kale oo la nool welwel joogta ah iyo shaki farabadan.

John Astrab@JohnAstrab

Are we pre_programmed to be pessimistic? Brain area responsible for pessimism foundhttp://flip.it/JNmKu4 

Brain area responsible for pessimism found

Neuroscientists have now found the brain area responsible for pessimism. The new research suggests that both anxiety and depression are caused by an overstimulation of the caudate nucleus.Looking at …

flip.it

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here