Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

0
826

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dowladda Eritrea oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayan wafdigan Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa waxaa ka mid ah La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo kula yeelan doonaan Madaxda dowladda.

Wafdigan heerka sare ee ka socda dowladda Eritrea ayaa la sheegay inay socdaalkooda horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo dhowaan booqasho ku imaan doona magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu martiqaad u diray dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, si la mid ah martiqaadkii uu bishii hore u soo diray.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa bishii hore booqasho rasmi ah ku tagay dalka Eritrea, isagoo noqday Madaxweyinihii u horeeyay oo Soomaaliya booqda dalka Eritrea.

Booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tagay Asmara iyo hadalkii uu ka jeediyay ayaa waxaa ka carootay dowladda Jabuuti oo si kulul uga jawaabtay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea, waxaana xilligan mugdi galay xiriirkii Soomaaliya iyo Eritrea.

Soomaaliya ayaa xilligan taagan isgoys xaalada is bedelada leh ee ka jira Gobolka Geeska Afrika, iyadoo u muuqato inay si tartiib tartiib u raaceyso xulafada Itoobiya iyo Eritrea oo u janjeera Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay hoggaaminayaan ee Khaliijka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here