Magacyada 22 Shirkadood Oo Gaar Loo Leeyahay Oo Madaxweyne Siilaanyo Hay’adaha Dawladda Ku Naasnuujiyay Madaxweyne Biixi-na Aanu Waxba Ka Qaban

0
1391

Magacyada 22 Shirkadood Oo Gaar Loo Leeyahay Oo Madaxweyne Siilaanyo Hay’adaha Dawladda Ku Naasnuujiyay Madaxweyne Biixi-na Aanu Waxba Ka Qaban

Inkasta oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu 48-kii saacadood ee la soo dhaafay uu qaaday tallaabo uu gacanta dawladda ugu soo celinayo mashaariic ay dad gaar ah ku naasnuujisay xukuumaddii hore ee Siilaanyo, taasi oo dhammaan shacbi weynaha Somaliland iyo xisbiyada Mucaaradku ay si fiican u soo dhaweeyeen, haddana waxa jira mashaariic badan oo weli gacmaha dad gaar ah ku sii jira.

Dawladda Somaliland ayaa laga yaabaa in haddii ay dib ula soo noqoto dhammaan mashaariicdaasi dadka gaar ahi ku dhex yeesheen hay’adaha dawladda in dakhli badani kasoo geli doono xukuumadda si ay hawlaheeda ugu qabsato.

Madaxweynaha ayaa waxa uu laaley Saddex heshiis oo shirkado gaar loo leeyahay lagu siiyay Haamaha shidaalka Berbera,Amniga iyo baarkinka madaarka Cigaal ee magaalada Hargaysa balse waxa jira mashaariic badan oo weli hay’adaha dawladda ku dhex jira kuwaasi oo laga dhursugayo sida madaxweynuhu uga go’aan qaadan doono.

Mashaariicda Weli sii Shaqeeya

1- HEMA Books- Shirkadda daabacaadda buugta kootada loogu xidhay
2- Viper Optic- Xadhigga Internetka ee dhulka hoostiisa mara
3- Shirkadda soo daabacda waraaqaha cashuurta waddo marista
4- NASHA-Shirkadda adeegyada madaarka
5- Shirkadda diwaan gelinta shaqaalaha Rayidka ah
6- Shirkadda diwaan gelinta shaqaalaha Ajaaniibta ah
7- Shirkadda Leydhka Dawladda ee Hargaysa
8- Shirkadda Laabka ee Haamaha shidaalka Berbera
9- Shirkadda nadiifinta dekedda Berbera ee hagta gaadiidka
10- Shirkadda liisamada baabuurta
11- Shirkadda Taarikada Buubuuta
13- Shirkadda Leydhka ee Berbera
14- Kaadhka dhalashada Somaliland
15- Timirta ciidamada ee Bisha Ramadaan
16- Raashinka Ciidamada
17- Dirayska Ciidamada
18- Wakaaladda Biyaha Boorama
19- Tigidhada Safarrada masuuliyiinta dawladda
20- Kootada Maxjarka Aljaabiri
21- Baasaaboorka Somaliland
22- Beeyada iyo Xabkaha

Mashaariicdan kor ku xusan ayaa haddaba ah qaar weli sii shaqeeya oo gacanta dad gaar ah ku sii jira, waxaana shacabka somalialnd oo aad u soo dhaweeyay tallaabadii uu ka qaatay madaxweyne Muuse Biixi Saddexda mashruuc ee Haamaha, amniga iyo baarkinka ay u dheg taagayaan qaabka uu mashaariicdan weli sii shaqeeya uu uga go’aan gaadhi doono.

Dawladdii hore ee Xisbiga Kulmiye ee Siilaanyo gadhwadeenka ka ahaa ayaa mashaariicdaasi u gacangelisay dad gaar ah, waxaana la rajaynayaa haddii dib ay gacanta dawladda ugu noqdo dakhligaasi ay wax weyn ka tari doonto dakhliga dawladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here