Maxaa Sababay In Sunny Deol inuu dhar baaxo walaalkiis ka yar Bobby Deol!!

0
1243

Maxaa Sababay In Sunny Deol inuu dhar baaxo walaalkiis ka yar Bobby Deol!!

Reer Deol maal mahan baraha bulshada, TV-yada iyo meelaha kale ee aflaanta lagu xayeysiiyo ayaga ayaa heestaan madaama filimkooda Yamla Pagla Deewana Phir Se hadal heyn balaaran la yimid.

Haddaba Bobby Deol ayaa saxaafada la wadaagay in hadda ka hor ay dhacday walaalkiis ka weyn Sunny Deol dhar baaxay ama u gacan qaaday!

Dharmendra, Sunny Deol, Bobby Deol iyo Kriti Kharbanda ayaa ka wada qayb galeen xaflada goos gooska filimka YPD Phir Se lagu soo bandhigaayay ayagoo saxaafada si wacan ula fal galeen.

Sunny Deol Action-kiiisa feerka awooda badan, xanaaqiisa shaashada iyo hadaladiisa kul kulul qaar ka mid ah ayaa filimka YPD Phir Se ku jiraan.

Sidaa darteed Bobby Deol waxaa la weydiiyay sida ay ugu suura gashay in gacanta Sunny uu ka bad baado markii uu yaraa?

Bobby wuxuu yiri “Sunny walaal iima ahan sidoo kalena waalid ayuu ii yahay waayo markii aan yaraa isaga ayaa i daryeeli jiray madaama aabo (Dharam) shaqadiisa filim jilista aad u badneyd inta badan mana joogi jirin”

“Sidaa darteed hadda ka hor ayaan iskuulka maalin u gambiyay ama xaadirin, waxaa dhacday in maamulka iskuulka uu Sunny u sheegay falkii aan sameeyay, kadibna Sunny hal dharbaaxo kulul ayuu igu dhuftay, laakiin waxay ahayd dharbaaxo toosin ah”

Sunny ayaa arinkan ka hadlay wuxuu yiri “Bobby waa wiilkeyga ee walaalkeyga ma ahan waana ku faanaa marwalbo sidaa darteed gacanteyda maba qabato aadbaan u jeclahay waayo marwalbo farxadeyda ayuu ka taliyaa mana sameen jirin wax qoyska dhib ku ah ilaa maantadana waa wiilkeyga waxaana jeclahay inaan farxadiisa ka taliyo”

Filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se waxaa la daawan doonaa 31 August 2018 waana filim shactiro dhameestiran leh oo siweyn loo wada sugaayo bandhiga reer Deol shaashada ka sameyn karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here