Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Markii Ugu Horraysay Shaaciyay In Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ka Caawinayso Baadhista Musuqmaasuqa Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo

0
902

Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Markii Ugu Horraysay Shaaciyay In Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ka Caawinayso Baadhista Musuqmaasuqa Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo

Gudoomiyaha Gudida Dabo Galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa markii ugu horaysay shaaciyey in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay gacan weyn ku siinayso hawsha baadhista iyo soo bandhigista Musuq-maasuqii dalka ka dhacay cahdigii Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu markii ugu horaysay soo bandhigay wadarta guud ee Lacagta laga lunsaday Qaranka sanadkii 2016-kii.

Xildhibaan Naasir Cali shire oo wareysi dheer oo dhinacya badan taabanaya uu la yeeshay Tv-ga HCTV ayaa ugu horayn soo bandhigay lacagta laga lunsaday qaranka sanadkii 2016 cahdigii Madaxwenye Siilaanyo “Lacagta lagu lunsaday shantaa qasanadood kama yara 11
Milyan oo dollar “

Dhanka Kale Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in liiska iyo foojarada ay ka heleen Hanti Dhawraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka “Waata aan ku leeyahay Waxaanu ka keenay Hantidhawraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud foojaradoodii mid walba waxa ku yaala foojarka nambarkiisii, qofka qaaday iyo xaddiga Lacagta iyo wuxuu u qaadayay ayaa ku taala,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Naasir

Geesta Kale Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay gacanta ku siisay hawsha soo bandhiga Musuq-maasuqii dalka ka dhacay, waxaanu carrabaabay wax-da la dagaalanka musuq-maasuq ee Xukuumadda inay gacan ka helayaan “Waax- yaheeda ku shaqada leh dhinaca musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka oo xeerku na mideeyey waanu isku waafaqsanahay xaqiiqada ayaan ka sheegayaa waa dhab weeye, waayo iyagaaba shaqooyinka u badan marka aanu fikirka la nimaad-no iyo waxaanu doonayno wey naga caawiyaan” ayuu yidhi Xildhibaan Naasir Cali Shire, Halkan hoose ka DAAWO waraysiga oo dhammaystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here