Xog La Helay : Xagge ku dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar?

0
833

Xog La Helay : Xagge ku dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar?

Wararka BBC-da ay helayso ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ee xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar uu weli ku sugan yahay magaalada Addis ababa.

Warar is khilaafsan ayaa sheegaya in Cabdi Maxamuud uu xiran yahay, halka warar kale ay oronayaan in xabsi guri uu ku jiro,warar kalena waxay sheegayaan in ammni ahaan uu halkaasi ugu sugan yahay.

BBC-da waxaa soo gaaray warar ah in mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay ku sugan yihiin magaalada Addis ababa oo ay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay kala tashanayaan xaaladda dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

Warar aan gordhaw helnay waxay sheegayaan in dublumaasiyiin ajaanib ay la xiriireen hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka ee Itoobiya oo ay kala hadleen xaaladda uu ku sugan yahay gobolka soomaalida ee Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here