Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

0
921

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Saakay Waaberigii diyaaradaha dagaalka dalka Kenya waxa ay duqeyn khasaaro geysatay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolla Gedo.

Diyaaradaha ayaa waxaa la sheegay in ay duqeyn ka geysteen  Tuulada Laan-qurac oo u dhaxeysa degmooyinka Ceel-waaq iyo Balad-xaawo,waxaana ku geeriyooday dad shacab ah.

Dadka ku dhintay duqeynta ayaa waxaa ku jira Mid ka mid ah odayaasha Tuulada duqeynta ay ka dhacday,halka ilaa Saddex  kale oo ay ku jiraan hooyo iyo Cunugeedana uu soo gaaray dhaawac xooggan.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in tuulada duqeynta ka dhacday ay ka barakaceen in ka badan 60 qoys oo xoolo dhaqato ah,kuwaas oo ka cabsi qaba in waxyeelo ka soo gaarto duqeymaha ay ciidamada kenya geystaan.

Duqeyntii Maanta laga fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Gedo weli saraakiisha ciidamada Kenya iuo kuwa Maamulka Jubbaland kama hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here