7 Talo oo Shaqaalahu Ay Tahay Iney Ku Dhaqmaan Xilliga Shaqada iyo Marka ay Guriga Joogaan

0
818

7 Talo oo Shaqaalahu Ay Tahay Iney Ku Dhaqmaan Xilliga Shaqada iyo Marka ay Guriga Joogaan

Inta badan shaqaaluhu waqti badan ayay ku qaataan xafiisyada iyagoo u fadhiya hab goonni ah, arrintaas oo u keenta mararka qaar iney dhabar xanuun dareemaan ay u sii dheertay cadaadis badan oo ay dhanka shaqada ka dareemaan si ay howshooda u gutaan. sidaa darteed sadaradda soo aaddan waxaan kaga hadleynaa talooyinka ugu wanaagsan ee ay waajibka tahay iney la raaco xilliga shaqada iyo marka lagu laabto gurida labadaba.

Dr. Yaasiin Darwiish oo ah la-taliye caafimaad shaqada(Waa cilmi muhiim ah oo danta laga leeyahay uu yahay in lagu ilaaliyo dadka shaqaalaha dhacdooniyka la soo gudboonaan kara), oo la hadlay wargeysa caanka ah ee “Youm7” ee dalka Masar ka soo baxa ayaa sheegay in shaqaalaha xafiiska waqti badan ku qaataa ay waajib tahay inuu raaco talooyinkan si uu uga fogaado mashaakilaadka dhabarka, waxayna kala yihiin:

1- In hab sax ah loogu fariisto kursiga oo la istoosiyo.

2- In dhaqdhaqaaq la sameeyo si loo dhiirrigeliyo habdhiska wareegga dhiigga.

3- In lagu dhaqmo xeerarka caafimaad ee mihnadda oo la xirto koofiyadaha iyo dharka shaqada lagama maarmaanka u ah,.

4- Marka guriga dib loogu laabto waxaa waajib ah inaadan roogga fariisan marka aad telifishinka daawaneyso, maxaa yeelay; culeys badan ayaad lafdhabartaada saareysaa.

5- Ka fogow inaad is qaloociso marka aad cunnada cuneyso, joornaalka aad akhrineyso ama aad buug akhrisaneyso si aanad dhabar xanuun u dareemin.

6- Iska xir taleefoonkaaga marka marka aad guriga gaarto si aad uga nasato cadaadiska shaqada iyo taleefoonka oo mashaakilkiisa wata.

7- Nidaam cunno caafimaad raac oo ay ku jiraan faytamiinnadii, macdantii kala duwaneyd ee jirku uu u baahnaa.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here