Haweenka Maraykanka oo ku naaloonaya guulo siyaasadeed

0
865

Musharaxiintii ugu badnaa ebed ee haween ah ayaa sanadkan u tartamaya kuraasta Barasaabyada , golaha congreska iyo kuwa aqalka Sanetka dalkaasi Mareykanka doorashaad xiliga dhexe.Ka dib doorashadii is reeb-reebka ee Talaadadii laga qabtay 4 gobol ayaa waxaa 11 haween ah loo soo xulay in ay u tartamaan kuraasta Barasaabyada iyo ugu yaraan 173 loo soo xulay kuraasta aqalada sharci dajinta.Natiijadan ayaa si wayn loo bogaadiyay iyada ay wali socoto sheekooyiinka guulaha ay gaaraan haweenak ku jira siyaasada.Waxaa sidoo kale jirta doorasho kale oo Ohio,ka dhacday taasi oo uu madaxwayne Donald Trump uu guul ka sheegtay.Balse warbaahinta Mareykanka aya ku waramaysa in tartankaasi uu wali yahay mid si wayn la isugu dhaw yahay islamarkana ay kursigasi haysteen Jamhuuriyiinta tan iyo 1983.Natiijada ka soo baxda ayaa kala cadeyn doonta in xisbiga Dimuqraadiga ay fursad u haystaan in ay badalaan bisha November aqlabiyada ay Jamhuuriyiinta ku leeyihiin aqalka.Hormar ay gaareen haweenka Ka dib markii la soo gabagabeeyay doorashadii Taladada ee 4-ta gobol ee kala ah Kansas, Michigan, Missouri iyo Washington – waxaa caddaatay in haween badan ay taariikh dhigeen tasi oo ku saabsan xilalka barasaabyada iyo aqalada sharci dajinta.Guushii ay gartay Gretchen Whitmer (Michigan) iyo Laura Kelly (Kansas) ee doorashada is reeb-reebka ee xisbiga dimuqraadiga ayaa waxay macnaheedu tahay in 11 haween ah ay kursiga Barasaabka u tartami doonaan bisha November.Debbie Walsh, oo ah agaasimaha xarunta siyaasada iyo haweenka Mareykanka (CAWP) ayaa tiri: “tani waa xilli doorasho ooay haweenka musharaxiinta ah dhigeen taariikh caawana sheekadaasi way soconaysaa.”Mid ka mid ah musharaxiinta ku guulaysatay musharaxnimada aqalka Congreska waa haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah oo ku biiraysa congreska
.1.Waxyaabaha aan weli loo ogolayn haweenka Sucuudiga
!2.Xamaas oo joojisay furitaan TV-ga Haweenka
3.Sacuudiga: Laga billaabo June haweenka baaburta way kaxayn karaan Rashida Tlaib ayaa ku guulaysatay is reeb-reebka xisbiga dimuqraadiga islamarkana lama tartami doonto Jamhuuriga bisha November.Waxa ay sidoo kale noqonaysaa haweeneydiiugu horreysay oo Falastiin ka soo jeedda ooka mid noqonaysa Congreska Mareykanka.Gobolka Washington ayaa waxa ku tartamaya labo haween ah.Haweenayda ka socota xisbiga Dimuqraadiga Lisa Brown ayaa wajihi doonta Cathy McMorris Rodgers.Haweenka ka socda xibiga Dimuqraadiga ayaa ka tira badan doona raga ka dib bisha November, sida ku cad daraasad dhawaan la soo saaray

Maxaa ka dhacay Ohio?Musharaxa xisbiga jamhuuriga Troy Balderson ayaa waxaa kursiga aqalka golaha wakiilada uu kula tartamayay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Danny O’Connor.Ohio waa goob muhim ah oo si wayn loogu tartami doono doorashada xilliga dhexe.Mr Trump ayaa bartiisa Tweetarka ku soo qoray “Hambalyo Troy Balderson guushii waynayd ee aad Ohio ka gaartay, tartan aad muhim u ah!”Iyada oo ay tani jirto, ayaysan haddana warbaahinta Mareykanka shaacin guushaasi.Wargayska New York Times ayaa qoray in Mr Balderson uu haysto 50.2%, taasi oo uu ku horreeyo musharaxa kale 1,754 cod
.Maxaa kale oo ka cusub doorashada is reeb-reebka? Waxa ay u muuqataa in musharaxiintii uu taageeray Donald Trump in la soo xulo ay guulo soo hoyiyeen.Waxaa ka mid ah musharaxiintaasi John James,oo Afrika ka soo jeedo oo loo soo xulay tartanka kursi aqalka sanetka.Maxaa ku soo kordhay doorashada bisha November?Dhammaan 435 ah kuraasta aqalka congreska,35 ka mid ah 100 kursi ee aqalka Sanetka iyo 36 ka mid ah 50 kursi ee Barasaabyada ayaa lagu tartami doonaa.Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa ay u baahan yihiin in ay helaan 23 kursi oo ah aqalka Congreska si ay aqlabiyad u noqdaan.Iyada oo tira ka mid ah xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ay howlgab noqonayaan sanadkan ayaa xisbiga laga tirada badan yahay waxa ay doonayaan in ay aqlabiyadda la wareegaan.Aqalka Sanetka ayaa waxay xisbiga dimuqraadiga ah u baahan yihiin oo kali ah labo kursi si ay aqlabiyada ula waregaan.Balse xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa ay doonayaan in ay sii haystaan aqlabiyada islamarkana ay dhidibada u sii aasaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here