DP World”Dowlada Jabuti ma aqoonsana shuruucda caalamiga ah”

0
796

DP World”Dowlada Jabuti ma aqoonsana shuruucda caalamiga ah”

Shirkada fadhigeedu yahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ee DP  World ayaa ku tilmaanta dowla Jabuti dal aan aqoonsanayn shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah kadib markii dowlada Jabuti ay diiday inay aqbasho go’aan ka soo baxay Maxkamad ku taal magaalada London.

Maxkamada dhexdhexaadinta London ayaa go’aamisay inay tahay sharci darro in dowlada Jabuti ka baxdo heshiiska ay la gashay shirkada DP World.

Dowlada Jabuti ayaa  ku eedeysay shirkadda DP World in ay si xun u maamuleyso dhismaha dekeda Dooraale ayna dooneysa in dekeda Dubai ay shaqeyso.

Horaantii sanadkan ayaa dowlada Jabuti waxa ay gebi ahaanba baabi’isay heshiis muddo 50 sano ah soconaya oo ay la gashay shirkadda DP World.

Hase yeeshee shirkada DP World ayaa weli ku adkeysanaysa in uusan baabi’in heshiiska ay la gashay dowlada Jabuti.

Fiiro gaar ah: Shirkadda DP World aya lagu lee yahay lacag dhan 60 bilyan oo dollar sidaas darteeyd ayey rabta in dowlada Engariiska ee aay deenta ka qabto u sheegto in aay leedahaay Dakado badaan oo Rasimaal ah , Madama aay guryahii aay deeynta ku qashaay aay qasareen oo cid gadato la wayey.

Marka Shirkadda DP World iyada iyo waxii aay kontoraad la gasho waxaa is kaaleh Dowlada Engariiska oo Rahaan u haysata Shirkadda DP World.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here