Wadahadallo Lagu Xalinayo Qalalaasaha Ka Taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Bilaawday

0
798

Wadahadallo Lagu Xalinayo Qalalaasaha Ka Taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Bilaawday

Wadahadallo u dhexeeyay saraakiil ka socotay dowladda federaalka Itoobiya iyo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa uga billaabmay dalkaasi, waxaana lagu doonaya in lagu xalliyo rabshadihii hareeyay magaalada Jigjiga iyo deegaanno ka tirsan maamulka soomaalida.

Illo dowladda ka tirsan ay ka soo xigatay warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Addis Standard.

Warbaahinta Addis Standard ayaa sidoo kale sheegtay in wadahadallada ay billaabmeen sabtidii markaas oo ay militariga la wareegeen xarumaha dowladda ee ku yaalla deegaanka soomaalida Itoobiya taasoo ka dhalatay rabshado ay dad ku dhinteen.

Balse ilaa hadda lama hayo hadal kasoo baxay dowladda federaalka Itoobiya oo xaqiijinaya wadahadalka

 

 

Xigasho : Dalsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here