Qaar ka mid ah Wasiiro la magacaabay oo maanta la dhaariyay

0
854

Qaar ka mid ah Wasiiro la magacaabay oo maanta la dhaariyay

Qaar ka mid ah wasiiro shalay uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta la dhaariyay iyadoo lagu hor dhaariyay guddoomiyaha guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xubnaha guddiga joogtada.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeen Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada.

ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in xubnahaan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.
“ Mudane guddoomiye waxa sharaf weyn inoo ah inan idiin soo gudbino lix masuul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye masuuliyiintan maanta la dhaariyay waxa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumada” ayuu yiri Ra’isal Wasaare ku xigeenka xukuumadda.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.

“ Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Mudanayaasha maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-

1. Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.
2. Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
3. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
4. Mudane Sakhar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here