Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Sudan

0
657

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Sudan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaasoo ay uga qeyb galayaan shirka nabadeynta dalka Koofurta Sudan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shalay ka soo laabtay magaalada Garowe oo uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa ayaa saakay u dhoofay magaalada Khartoum.

Safarkan oo markii hore u qorsheysnaa Madaxweyne Farmaajo inuu u ambabaxo Sudan ayaa saacadihii u dambeeyay ka baaqday, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu bedelay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii la faafiyay warqad ku qornaa afka Carabiga oo ahaa liiska wafdiga Madaxweynaha u raaci lahaa Sudan, balse markii dambe la hakiyay.

Shirka Nabadeynta Koofurta Sudan iyo heshiiska dhinacyada iska soo horjeeda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Madaxda ka socota Gobolka iyo kuwa deriska la ah dowladda Sudan oo heshiiskan door weyn ka qaadaneysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here