DEG DEG : Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabay Wasiiro dhowr ah+Magacyadooda

0
701

DEG DEG : Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabay Wasiiro dhowr ah+Magacyadooda

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay Wasiiro cusub, iyadoo la buuxiyay labo wasiir oo booskooda banaanaa, kuwaasoo bil ka hor uu Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa goor dhow warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegtada Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabay illaa shan wasiir iyo wasiir kuxigeen.

C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, waxaa lagu bedelay wasiirkii xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan oo ay isku heyb ahaayeen.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaas hayay Sheekh Nuur Maxamed Xasan loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

C/llaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka, iyadoo xilkaas laga qaaday C/raxmaan Cabdi Xaashi

Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxaa loo magacaabay Shawaqar Ibraahim Cabdalla

Sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaa uu bedelay Wasiiru dowlihii hore Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

halkan hoose ka daawo 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here