DEG DEG : Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku dilay rag hubeysan oo gaari wadatay

0
806

DEG DEG : Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku dilay rag hubeysan oo gaari wadatay

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dilay magaalada Muqdisho rag hubeysan oo gaari yar watay.

Ciidamada dowladda ee toogtay ragga hubeysan ayaa la socday gaari ciidan oo ah kuwa loo yaqaano cabdi bile, waxaana la sheegay in gaariga ay la socdeen ragga hubeysan uu marka hore rasaaseeyay gaariga ciidanka.

Is rasaaseyn socotay daqiiqado ayaa lagu dilay labo ka mid ah dableydii hubeysneyd, halka darawalka gaariga uu baxsaday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in askar saarneyd gaariga ay ku dhaawacantay is rasaaseynta.

Gaariga lagu rasaaseeyay ragga hubeysan ayaa ahaa kuwa yar, waxaana uu yaallaa agagaarka goobta ay wax ka dhaceen ee nawaaxiga Seybiyaano, waxaa gaariga ka muuqda rasaas fara badan, muraayadaha daadsan yihiin.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ragga hubeysan ee la toogtay loo maleynayo inay yihiin koox gaari adeegsata oo maalmihii la soo dhaafay dilal ka geysanayay qeybo ka mid ah magaalada.

Ciidamada ammaanka ayaa baadigoob ku aha darawalkii baxsaday, kaasoo loo maleynayo inuu dhaawac yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here