BBC Oo Ogaatay Halka Uu Ku Sugan Yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar

0
1924

BBC Oo Ogaatay Halka Uu Ku Sugan Yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar

Jig Jiga (Dalmar-News):- Tan iyo shalay markii ay rabshaduhu ka billowdeen Jigjiga waxaa la isweydiinayey halka uu ku sugan yahay madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

Idiris Ismaaciil Cabdi oo ah wasiirka warfaafinta ee DDSI wuxuu BBC u sheegay shalay in madaxweynuhu uu ku sugan yahay madaxtooyada.

Laakinse qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya waxay sheegayeen in Cabdi Maxamuud Cumar ay milaterigu qabteen.

Warkaas cid xaqiijisa ma jirin, ismana soo tarin.

Maantana waxaa la sheegay inuu Cabdi Maxamuud Cumar la kulmay baadariga ugu weyn magaalada Jigjiga, oo uu raalli gelin ka siiyey kaniisad shalay la gubay, hase yeeshee ilo baadariga ku dhow waxay sheegeen in uusan ku qancin raalli gelinta.

Sida muuqata madaxweynaha DDSI Itoobiya wuxuu weli ku sugan yahay gudaha jigjiga, waxaana shalay dad ka tirsan deegaanka ay BBC u sheegeen in intii ay rabshadaha socdeen lagu dhex arkay magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here