DEG DEG : Abaanduulaha Guutada 2aad ee ciidamada xoogga dalka oo ka badbaaday qarax loogu xirey gaarigiisa

0
831

DEG DEG : Abaanduulaha Guutada 2aad ee ciidamada xoogga dalka oo ka badbaaday qarax loogu xirey gaarigiisa

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xirey  Abaanduulaha guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka Cali Cariif.

Qaraxan oo ka dhacay gudaha warshadda dharka ee Balcad ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen illaa shan askari oo ay ku jiraan saraakiil.

Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay maamulka degmada Balcad hase yeeshee qaraxan oo laga maqlay guud ahaan degmada Balcad ayaa  sii  kordhiyay cabsida ka jirta degmadaas oo dhanka Waqooyi  ka xigta 37km caasimada dalka ee Muqdisho.

Xooggaga Alshabaab ayaa  xalay duqeyn ka geystey degmada Balcad halkaa oo ku garaaceen tiro madaafiic ah, balse lama sheegin cid wax ku noqotay.

Ammaanka magaalada Balcad ayaa laga deyrinayaa iyadoo  xooggag ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaano u jira 7km.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Balcad ayaa bilaaba inay ka barakacaan iyagoo ka cabsi qaba in iska horimaad uu ku dhex maro degmadaas dagaalamayaasha  Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here