Maraykanka Oo Sheegay Inuu Fuliyay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

0
665

Maraykanka Oo Sheegay Inuu Fuliyay Weerar Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay 2dii bishan 4 qof oo ay ku tilmaameen “argagixiso” ku dileen meel 74 KM waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ayadoo la kaashanayo xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka Ameerikaanku qaadeen weerarkaas oo ahaa mid dhinaca cirka ah.

Wuxuu war saxaafadeedku intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay.

War saxaafadeedka uu Maraykanku soo saarayLahaanshaha sawirkaAFRICOM
Image captionWar saxaafadeedka uu Maraykanku soo saaray

Inkastoo uu Maraykanku sidaa sheegayo, misna warar aan weli la xaqiijin oo BBC ka soo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose waxay sheegayaan in dhowr qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerar loo malaynayo inuu yahay mid ay ka dambeeyeen ciidamada Ameerikaanka.

Weerarka ayey dadka deegaanku sheegeen inuu shalay gelinkii hore ka dhacay inta u dhaxaysa tuulooyinka Goobaale iyo Baladul-amiin ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay wada saarnaayeen hal gaari, kaasoo gantaal lagu dhiftay.

Maraykanka ayaa dayaaradaha bilaa duuliyaha ah u adeegsada inuu kula dagaallamo kooxaha mintidiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here