Bin laden Hooyadii oo sheegtay in wiilkeeda la duufsaday xagjirna laga dhigey

0
891

Bin laden Hooyadii oo sheegtay in wiilkeeda la duufsaday xagjirna laga dhigey

Waxaa markii ugu horreysay hadashay hooyada dhashay hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden taasoo ku nool magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacudi Carabiya.

Bin laden hooyadii ayaa waxay sheegtay in wiilkeeda uu ahaa mid wanaagsan balse la duufsaday markii uu waxbarshada ku jiray islamarkana xagjir laga dhigay.

Wareysigii ugu horeyay oo ay siisay wargayska Guardian, ayay Alia Ghanem waxa ay sheegtay in uu wiilkeeda isbadalay markii uu ku biiray jaamacad ku taalla dalka Sacuudiga.

Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digi jirtay in uu ku biiro kooxahan.

Bin Laden ayaa la rumaysan yahay in uu isaga amray weerarkii 9/11, 2001 lagu qaaday Mareykanka iyo waliba howlgalo meelo kale oo caalamka ka dhacay.

Balse hooyadii ayaa sheegtay in uusan waligii u sheegin waxyaabaha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii.

“Waxaan labo jeer sanadkaa kula kulanay saldhig ciidan oo ku yaal meel ku dhow magaalada Kandahar kaasoo ay ka qabsadeen ciidamada Ruushka.”ayay tiri Ghanem.

“Aad ayuu ugu farxay inuu nala kulmo waxana uu na geeyay meelaha ku dhow dhow saldhiga uu jooga waxana uu noo diley xoolo isagoo nagu casuumay hilib badan.”ayay sii raacisay Ghanem.

Xilliga ay wareysiga siineysay Osama hooyadii wargeyska The Guardian ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ahmad iyo Hassan oo ay isku  hooyo yihiin Osama iyo Mohammed al-Attas oo ah ninka soo koriyay Osama una dhaxda hooyadii.

Qoyska ayaa waxa ay dhammaantood sheegeen in markii ugu dambeysay ee ay arkaan Osama Bin Laden ay ahayd sanadkii 1999kii xilligaa oo ay ku booqdeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here