Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo Iyo Xukuumadda Tallada Haysa Ee Muuse Biixi + Arrimaha Laysku Maandhaafsan Yahay

0
1011

Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo Iyo Xukuumadda Tallada Haysa Ee Muuse Biixi + Arrimaha Laysku Maandhaafsan Yahay

Warar hoose oo aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad siyaasadee ka dhex qaraxday Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan xukuumadda tallada haysa ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaana labada dhinac la kala safan madax ka tirsan xisbi xaakimka KULMIYE oo labada xukuumadood ee kala dambeeyay ku abtirsadaan.

Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay isku maandhaafsan yihiin wareejinta hoggaanka iyo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE oo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo doonayso in lagu wareehinta hoggaaminta xisbiga waxaana arrinta ku gacan-saydhay xukuumadda tallada haysa oo ka cabsi qaba haddii ay hoggaanka xisbigu gacantooda uu ka baxo uu caqabad ku noqon doono xukuumaddooda.

Khilaafka u dhexeeya labada xukuumadda ayaa waxa uu si weyn u soo shaac-baxay markii uu dhawaan dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana soo dhawayntiisa ka muquurtay xukuumadda tallada haysa iyo golaha wasiirrada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dadka faaqida arrimaha siyaasadda ayaa waxa ay sheegayaan in soo dhawayntii ay u sameeyeen Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo golihiisii wasiirradu ee hore ay ahyd farriin cad oo sheegaysa sida iskugu duuban yihiin iyo inay muujiyaan cududoodu siyaasadeed.

Warar xog-ogaal ah oo ay heshay shabakadda wararka ee Barigaafrikanews.com ayaa waxa ay sheegayaan in wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi uu wado qorshe uu doonayo in uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku qanciyo in isaga dhiso isla markaana uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka dalbado in guddoomiyenimada xisbiga wareejiyo isaga.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hore isku dayay in lagu wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE waxaanu ku guul-darraystay dhaq-dhaqaaqyo uu ku doonayay hanashada hoggaaminta xisbiga KULMIYE iyada oo la sheegay inay arrintan ay sabab u noqotay inay khilaaf ka dhex qarxay xukuumadda iyo madax-dhaqameed uu soo dhabartaabtay Maxamuud Xaashi taasi oo sababta in xabsiga loo taxaabo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ahaa hormoodka Madax-dhaqameedka waday dhaq-dhaqaajinta in Maxamuud Xaashi lagu wareejiyo xisbiga KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here