DEG DEG : Xiisad Kacsanaan ah Oo ka jirta magaalada Jigjiga iyo Ciidamo fara badan oo ku sugan xarumaha Dowlada

0
845

DEG DEG : Xiisad Kacsanaan ah Oo ka jirta magaalada Jigjiga iyo Ciidamo fara badan oo ku sugan xarumaha Dowlada

Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo mid siyaasadeed ayaa saaka ka jirta magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo xiisadan salka ku heyso kulan uu yeelanayo Baarlamaan goboleedka Soomaalida oo la doonayo in wax looga bedelo qodob ka mid ah dastuurta.

Xiisada saaka ka taagan magaalada Jigjiga ayaa salka ku heysa xiriir xumo u dhaxeysa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Federaalka Itoobiya oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ayaa la wareegay xarumaha muhiimka sida xarunta Baarlamaanka iyo Xarunta Telefishinka ESTV.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegayaa inuu damacsan yahay inuu ku dhawaaqo madax banaani, inkastoo wararkan uu yahay mid aad isu soo tarayay, isagoo kulan degdeg isugu yeeray Baarlamaanka

Sidoo kale Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa looga yeeray magaalada Addis Ababa, iyadoo la sheegay inuu ka dhega adeegay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada loo yaqaano Liyuu Boolis ee hoos-taga maamulka deegaanka Soomaalida ay gudaha magaalada Jigjiga ku sugan yihiin, waxaana jirta cabsi laga qabo inay isku dhacaan Ciidamada Federaalka iyo kuwa Liyuu Booliska.

Xiisada saaka ka jirta Jigjiga ayaa timid, maalin kaddib markii magaalada Diri-dhaba uu ka dhacay shir ay isugu yimaadeen dhinacyo ka soo horjeeda Maamulka uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar

Tan iyo markii uu is bedelka siyaasadeed ee dhanka awoodda uu ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa yaraaday awooddii maamulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar, gaar ahaan xiriirkii uu la lahaa dowladda Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here