Ra’iisul Wasaare Kheyre oo amray in la sii daayo Maxaabiis ku xiran Garowe

0
727

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo amray in la sii daayo Maxaabiis ku xiran Garowe

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay shalay ku yeesheen magaalada Garowe ayaa waxay isla garteen in la sii daayo maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiga Garowe.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu amar ku bixiyay sidii loo sii deyn lahaa Maxaabiista, kaddib markii ay ka wada hadleen Madaxda Puntland.

“Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo maxaabiista ku xiran halkan, wuxuuna hawshan u xil saaray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Wasiirka Cadaaladda, sii deysmada maxaabiistan waxaa loo marayaa hanaankii lagu soo daayay maxaabiistii dibadda”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ku sugan Garowe ayaa caawa la filayaa inay ka qeyb galaan sanad-guurada 20aad ee ka soo wareegatay aas aaska Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here