Kaligii taliyihii hore ee Itoobiya oo dib usoo muuqday

0
641

Kaligii taliyihii hore ee Itoobiya oo dib usoo muuqday

Ra’isulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa dalka Zimbabwe kula kulmay madaxweynihii hore ee kaligii taliyaha ahaa Mengistu Haile Mariam, kadibna sawir ay wada dhigeen ayuu soo dhigay bartiisa Facebook.

Balse Mr Desalegn ayaa markii dambe ku qabsanaaday in uu sawirkii ka saaro boggiisa kadib markii uu buuq badan ka dhashay.

Dad badan ayaa u turjuntay in Mengisto oo horey maxkamad ugu xukuntay dil toogasho ah, loona haysto in xad gudubyo xuquuqda bini’aadamka ka baxsan in la damacsanyahay in uu ku laabto Itoobiya.

Horey Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy ayaa laga soo xigtay in uu cafinayo Mengistu, dalkana kusoo laaban doono, waxayna dadka sawirkan hadda u fahmeen in Dr Abiy uu ka warhayo kulanka.

Hailemariam Desalegn ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Mengistu uu wax ku kordhinayo ItoobiyaLahaanshaha sawirkaHAILEMARIAM DESALEGN
Image captionHailemariam Desalegn ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Mengistu uu wax ku kordhinayo Itoobiya

Muxuu gaystay Mengistu?

Sanadkii 2007-dii ayay maxkamad ku heshay dambiyo xuquuqda bini’aadamka ka baxsan, waxayna ku xukuntay dil isaga oo Itoobiya ka maqan.

Gaim Kibreab oo ka tirsan jaamacadda South Bank University ee London oo aad wax uga qoray Mengistu ayaa sheegay in kulanka uu qaracan yahay, xitaa xilliga Ra’isulwasaaraha nabad doonka ah, Dr Abiy.

“Mengistu waa dambiile” ayuu yiri Mr Gaim, waana fikrad dadka oo dhan ay wada qabaan.

Balse ma ahan markii koowaad ee uu Mengistu, horey ururada mucaaradka Itoobiya ayaa sawirkiisa u isticmaalay isbedelka ka hor si ay u muujiyaan carada ka haysay xukunkii Itoobiya.

Sanadihii 1970-naadkii, koox saraakiil ciidan ah oo lagu magacaabo Derg ayaa afgambiyay boqor Haile Selassie.

Mengistu Haile Mariam waxa uu Itoobiya xukumayay intii u dhaxaysay 1974 illaa 1991Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMengistu Haile Mariam waxa uu Itoobiya xukumayay intii u dhaxaysay 1974 illaa 1991

Mengista oo aanan markaas aad loo aqoonin ayaa kusoo baxay hoggaanka, wuxuuna bilaabay wixii loo aqooni jiray “Argagixisadda cas cas”, waxaana la dilay ku dhawaad nus malyuun oo xirfadlayaal ah iyo dad mucaarad ah.

Abaar dhacday sanadkii 1984-tii ayaa Itoobiya ka dhigtay dal faqri ah, waxaana ku dhintay dad gaaraya hal milyan oo qof.

Xukunkiisii ayaa dhacay sanadkii 1991-kii kadib markii ay afgambiyeen askartii jabhadda EPRDF oo ahaa kooxo mucaarad ah oo isu tagay.

Mengistu oo gacan ka helaya Maraykanka ayaa tagay dalka Zimbabwe, halkaas oo saaxiibkiis Robert Mugabe uu magangalyo siiyay wax ka badan 30 sanadood.

Dad aad u badan ayaa hadda ka carooday kulanka dhacay iyo suurtogalnimada in uu Itoobiya ku laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here