Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Buuhoodle iyo Qaraxii ismiidaaminta ee xalay ka dhacay

0
1060

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Buuhoodle iyo Qaraxii ismiidaaminta ee xalay ka dhacay

Iyadoo xalay magaalada Buuhoodle uu ka dhacay qarax ismiidaamin oo ahaa kii u horeeyay nuuciisa ee ka dhacay magaalada iyo gobolkaba ayaa waxaa saaka laga dareemayaa degmada xaalad caadi ah, kaddib bandow xalay la geliyay magaalada.

Dadka deegaanka ayaa hadal hayay qaraxii ismiidaaminta ahaa oo uu fuliyay nin xirnaa jaakadaha qarxa oo beegsaday gaari ay saarnaayeen Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo C/fataax Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam, isla markaana soo noqday La Taliyaha Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid.

Mas’uuliyiinta Maamulka Buuhoodle ayaa sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira halka weerarka laga soo abaabulay iyo kooxihii ka dambeeyay, inkastoo aanay cidna sheegan qaraxa ismiidaaminta ahaa.

Madaxweyne kuxigeenka Khaatumo Cabdalla Maxamuud Cali (Caglule) ayaa ka dalbaday maamulka inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka.

Howl gallo ciidamo hubeysan xalay ka sameeyeen xaafadaha Buuhoodle ayaa cidna lagu soo qaban, inkastoo dadka ay cabsi badan ka muujiyeen howl galada iyo qaraxii xalay dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here