Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la isku raacay inuu maanta ka qabsoomo Garowe, kaddib shaki la geliyay

0
558

Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la isku raacay inuu maanta ka qabsoomo Garowe, kaddib shaki la geliyay

Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la isku raacay inuu ka dhaco magaalada Garowe, kaddib wada hadalo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Puntland oo ku aadan sidii shirka u qabsoomi lahaa.

Shirka ayaa qabsoomidiisa shaki la geliyay, kaddib markii Puntland ay ka carootay tallaabadii Ra’iisul Wasaaraha uga baaqsaday dhagax dhiggii Dekeda Garacad.

Magaalada Garowe ayaa hareysay dooda ku saabsan in shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya aanu ka dhicin, maadaama Ra’iisul Wasaaraha aanu tagin Garacad, waxaana doodaha taagnaa ay ahaayeen kuwo ka imaanayay Siyaasiyiinta iyo xubnaha Maamulka Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadaalada lagu xalinayay khilaafka ka dhashaybaaqashadii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee dhagax dhigga Dekeda Garacad lagu balamay in shirar kale looga hadlo.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhici doona Hoolka shirarka Wasaaradda Maaliyadda, waxaana shirka ka hor qabsoomi doono kulamo ay yeelanayaan Wasiirada Federaalka iyo kuwa Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here