Dhalmo Naadir ah oo 500 Milyan ee Dumar ah Mid Kaliya Lagu Arko!

0
1239

Dhalmo Naadir ah oo 500 Milyan ee Dumar ah Mid Kaliya Lagu Arko!

In haweenay ay yeelato Labo Rixim waa arrin naadir ah, laakiin iney labadii riximba ay marqura ilmo ku wada qaaddo ayaa ah arrintana ka sii yaab ak badan.

Jennifer Ashwood, waa haweenay British ah, waxey mataano marqua ku wada qaadday labadeeda rixim, arrinkan ayaa ah xaalad naadir ah oo sida ay dhakhaatiirtu sheegayaan dhacda 500 milyan ee dumar ah hal ka mid ah lagu arko. Caalamka oo dhan dumarka labada makaan leh wey ku yar yihiin oo fara ku tiris tobonaan qof ma gaaraan, dalka UK waxaa lagu arkay dhowr xaaladood oo la halmaal ah.

Dumarka uurka leh ee xaaladda Ashwood la mid ah ee leh riximka laba geesoodka ah, hal dhinac oo kaliya ayaa ilmo ku qaadaan.

Computer-kii raajada ee hawenaydan la saaray xilligii ay uurka lahayd ayaa caddeynay in ilma kastaa uu ku jiro rixim goonni ah.

Xaaladdan ayaan mashaakil badan u lahayn haweenayda uurka leh, laakiin waxaa suuraggal ah iney sida badan ay dhasho ilmo dhicis ah oo waqtigiisa ka soo hormara.

Jennifer Ashwood ayaa 34 isbuuc kadib uurkeeda dhashay wiilkeeda Piran iyo gabadheeda Poppy ee mataanaha ah. waxaana guriga lagu soo celiyay markii ay labo isbuuc ku qaateen isbitaalka oo lagu daryeelayay.

#STOPPIT-2@Stoppit2Study

Woman with two wombs gives birth to twins in one-in 500,000,000 case https://metro.co.uk/2018/07/31/woman-two-wombs-gives-birth-twins-one-500000000-case-7781651/?ito=article.desktop.share.bottom.twitter  via @MetroUK

Woman with two wombs gives birth to twins in one-in 500,000,000 case

One baby grew in each after two eggs were fertilised simultaneously.

metro.co.uk

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here