Cilmi-baaris: Buurnida oo Bedesha Qaab Dhismeedka Guud ee Wadnaha Dadka Dhalinyarada Ah

0
805

Cilmi-baaris: Buurnida oo Bedesha Qaab Dhismeedka Guud ee Wadnaha Dadka Dhalinyarada Ah

Daraasad cilmiyeed cusub oo ay sameeyeen cilmi-baarayaal Mareykan ah ayaa daaha-ka-rogtay in buurnidu ay keento dhiig-kar iyo wadanaha oo weynaada, arrintaas oo hordhac u ah isbedel buuxa oo ku imaanaya dhismaha guud ee wadnaha waqti kadib nolosha qofka dhalinyarada ah.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, daraasaddan waxey tahay tii ugu horreysay ee daahrogta in cufka jirka oo kor u kaca (BMI), uu dhibaato ku keeni karo nidaamka wadanaha iyo xididada dhiigga ee dhalinyarada.

Dr Kaitlin Wade oo ah mu’allifka rasmiga ah ee cilmi-baaristan kana tirsan qeybta cilmi-baarista ee kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda “Bristol” ee UK, ayaa sheegay in natiijada daraasaddan ay gaareen ay xoojineyso in hoos loo dhigo cufka jirka iyo buurnida lana gaarsiiyo heerka dabiiciga ah xilli hore, si looga hortago cudurrada wadanaha oo qofka soo waajihi kara xilli sii dambeysa noloshiisa.

Natiijada ay cilmi-baarayaashu gaareen ayaa tilmaameysa in kor u kaca cufnaan jirka ama buurnidu ay sababi karto isbedel ku yimaadda wadnaha qofka dhalinyarada ah, kaas oo hordhac u ah isbedel saameeynaya xididada dhiigga, waa sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here