DEG DEG : Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Buuhoodle

0
759

DEG DEG : Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Buuhoodle

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka tacsiyadeeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, kaasoo lagu dilay labo siyaasi oo caan ka ahaa gobolka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa laamaha amniga ku adkeeyay inay baaritaan buuxa ku sameeyaan sida wax u dhaceen, isla markaana gacanta ku soo dhigaan cidii ka dambeysay falkaas argagagax ku abuuray bulshada Buuhoodle.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland aanay marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda waxyeelo, dhibaato iyo falal amni daro ku qaado shacabka Somaliland.

Qaraxii ismiidaaminta ee xalay ka dhacay Buuhoodle ayaa ahaa kii u horeeyay nuucisa ee ka dhaca deegaanka, waxaana lagu dilay Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo C/fataax Maxamed Cali oo ahaa La Taliyihii Ra’iisul wasaarihii hore, isla markaana soo noqday Madaxii Maaliyadda Xisbul Islaam.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here