“Muraad Toos Buu Uga Hor Yimid Xukumadda,” Wasiir Yurub

0
848

Xukumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabtay garnaqsi culus oo ka soo yeedhay maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad waxaanay ku eedaysay in uu toos uga hor yimid xukumaddii uu ka tirsana.Maayar Muraad ayaa dhawaan si kulul ugahadlay dhaqaalaha dalka waxaanu sheegay in Berbera, Gabiley iyo Hargeysa uu ku ururay dhaqaalaha dalka siiba cashuuraha. Waxa uu si gaar ah u taabtayxoolaha soo mara sayladda ugu weyn ee xoolaha ee Burco oo uu sheegay in xeer dhigayo in lagu cashuuro Berbera taasna aanay aqbali Karin.Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada xoolaha Somaliland Marwo Yurub Abiib oo iyada oo joogta Burco wax laga waydiiyay doodda Muraad waxay sheegtay in aanay ogayn dulmi u gaar ah Burco oo lagu hayo laakiin, Maayar Muraad yahay masuul xukumadda uu ka tirsan yahay ka hor yimid.“Maayarku waa nin toos uga hor yimid xukumadda. Qofku haddii uu xukumadda uuka tirsan yahay ka hor yimaaddo Samir uun baa laga qaata,” Sidaas ayay tidhi Marwo Yurub Abiib waxaanay intaasi ku dartay “Burco Somaliland bay ka mid tahay dakhligeedana waa la kaba, dhaqaalaheedana waa la kaba laakiin, gobolna dhaqaalihiisa inta kan laga qaado ku kale lama gaynayo wax guud oo dawladdu wada leedahay mooye.”Wasiirku ma sheegin in ay wax dib u eegis ah ku samaynayaan dacwadda maayar Muraad oo quluubta reer Burco soo jiidatay waxaanay tilmaantay in xeerka midaynta cashuuraha ee xilligii Marxuum Cigaal la soo saaray sax ula muuqdo “Anigu waxaaban aaminsanahay sharciga haddii Maxamed X. Ibraahin Cigaal soo saaray in uu sax yahay waayo? Dastuurkeena Qaranka Cigaal baa soo saaray ilaa haddana halkiisii ayuun baynu ku hayna,” Sidaas ayay tidhi iyada oo intaasi raacisay in aanay u muuqan wax Burco gaar u ah, islamarkaana ay gobollada dalka kala siman tahay arrinta midaynta cashuuraha.Hadalka Maayar Muraad ayaa sababay hadal hayn badan iyada oo ay saxaafadda isugu jawaabeen xildhibaannada Berbera iyo Gabiley oo isku dhinac ah iyo kuwa Burco iyo Caynaba oo isku dhinac ah sidoo kalena bulshadu si weyn uga dareen celisay doodda Maayarka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here